Muxuu yahay ujeedka Turkiga ka leeyahay xiriirka uu la yeeshay Masar?

Wargeysyada dalalka Carabta ayaa wax ka qoray sababaha dhaliyay iyo cawaaqibka ka dhalan kara tallaabadii dhawaan ay Turkiga qaadeen ee ahayd in warbaahinta mucaaradka Masar ee saldhigoodu yahay Turkiga ay yareeyaan cambaareynta ay u jeedinayaan dowladda Masar.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay soo baxayaan warar sheegayay in xiriir dhanka dublamasiyada ah ay sameeyen labada dal.

Qaar ka mid ah qoraayada ayaa u arka in xiriir dhex mara Qahira iyo Ankara “in ujeedada Turkiga uu ka leeyahay ay tahay istaraatijiyadda” cusub ee ugu dambeyntiina keeneysa in ay xiriir la yeeshaan dalalka Carabta gaar ahaan Masar.

Qaar kale ayaa u arka siyaasadda cusub ee Turkiga ee ku wajahan wadamada Carabta gaar ahaan Masar ay uga golleyihiin in mucaaradka dalka Masar gaar ahaan Ikhwaanul Muslimiinka, loo ogolaado in dalka ay joogaan oo cadaadiska laga dhaafo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor