Muxuu yahay ujeedka Taliye Odawaa u gaaray Magaalada Dhuusamareeb?

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yusuuf Raage iyo wafdi saraakiil uu hoggaaminayay ayaa gelinkii dambe ee shalay gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug, iyagoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Ujeedka Taliye Odawaa iyo Saraakiisha la socday ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay mid la xiriira kulamo uu la qaatan doono Madaxda ugu sarreeysa Galmudug oo uu horreeyo Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Taliye Jeneraal Odawaa ayaa sidoo kale kulan la yeelan doona Talisyada Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Maamulka Galmudug ee ku sugan Caasimadda Maamulkaas ee Magaalada Dhuusamareeb, isagoo kala hadli doona howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.

Socdaalka Taliyaha Xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage uu ku tegay Dhuusamareeb ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada deegaanada Galmudug ay ka jirto xiisad u dhexeeysa Galmudug iyo Ahlusunna Waljameeca, waxaana jira dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo labada dhinac ah.

Ciidamo isugu jira Haramcad iyo Gorgor ayaa goorsii horreysay oo halay ah gaaray deegaano ku dhow degaanka Ceedheere oo ku yaalla inta u dhexeeysa Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel oo ay gacanta ku hayaan Ciidanka Ahlusunna Waljameeca oo toddobaad kahor qabsaday.

Dadaalo kala duwan oo lagu doonayay in lagu xaliyo xiisada Galmudug iyo Ahlusunna ayaa fashil kusoo dhammaaday, waxaana la sheegay in Madaxweyne Qoorqoor uu qorsheynayo duulaan ka dhan ah Ahlusunna, iyadoona Ciidamada Haramcad iyo Gorgor ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wadaan degaano ka tirsan Gobolka Galgaduud.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor