Muxuu yahay ujeedka dalka loo keenay Diyaaraddo NISA ku qabatay Garoonka Muqdisho?

Ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa Garaoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku qabtay diyaarado nooca loo yaqaano Drones-ka oo tirro ahaan gaarayay Lix diyaaradood oo ku jiray Sanduuqyo xiran.

Diyaaradahan oo Garoonka Aadan Cadde looga soo dejiyay xamuul ahaan ayaa waxaa sheegtay inuu leeyahay uu isaga dalka keensaday Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka tirsanaa Xildhibannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka uu waqtigooda dhammaaday.

Xildhibaan Sakariye Maxamuud oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in diyaaradaha Drones-ka ee lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde uu isaga leeyahay, isla markaana Hay’adda NISA ku eedeeyay inay si sharci darro ula wareegtay.

Waxaa uu tilmaamay Xildhibaanka in diyaaradaha uu ka keenay dalka Turkiga, ayna leedahay shirkadda Hufan oo ka shaqeysa la-dagaalanka cayayaanka iyo Beeraha, looguna tala-galay la dagaalanka iyo buufinta Anyaxa iyo Waraabinta Beeraha.

“Dayuuradaha iswada “Drones” oo aan ka keenay wadanka Turkiga, Diyaaradahaas oo ay leedahay shirkadda Hufan oo ka shaqeysa ladagaalanka cayayaanka Beeraha, waraabka beeraha iyo dhammaan howlaha la xiriira beeraha ayay hay’adda NISA si sharci darro ah ula wareegtay. Diyaaradahan ayay shirkadda Hufan ugu talo-gashay la dagaalanka iyo buufinta Anyaxa, Waraabinta Beeraha iyo in lagu ogaado wabiyada meelaha ay ka jilcanyihiin ee uu ka fataho” ayuu yiri Xildhibaan Sakariye Maxamuud.

Ugu dambeyn Xildhibaan Sakariye ayaa ka Codsaday Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA inay si deg deg ah u soo celiso hantida ay leedahay shirkadda Hufan ee diyaaradaha Drones-ka ee loogu talogalay in loogu adeego beeraleyda Soomaaliyeed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor