Muxuu yahay shirka W/Caafimaadka iyo Wasaaradaha Maamul Goboleedyada u furmay”

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federalka Soomaliya Dr Foosiya Abiikar Nuur ayaa maanta furtay shirka wadatashiga Wasaaradaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Wasaaradda Caafimaadka Iyo Daryeelka bulshada.

Shirka oo ah kii saddexaad ayaa doorkan diiradda lagu saari doonaa adeegyada aas aasiga ah ee Caafimaadka iyo sidoo kale saamaynta uu yeeshay caabuqa COVID19.

Sidoo kale inta shirku socdo ayaa waxaa diiradda si gaar ah loogu saari doonaa sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha caafimaad ee dalka gaar ahan arrimaha Covid19, iyo sidii Bulshadu ay u heli lahaayen adeeg Caafimaad oo dhammeystiran.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor