Muxuu yahay Shir xubno ka tirsan DF iyo M/Goboleedyada uga furmaya Kismaayo?

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa Maanta ku wajahan Wasiirka Wasaaraha Caafimaadla Xukuumadda xilgaarsiinta Fowsiya Abiikar Nuur iyo Wasiirada Wasaaraddaha Caafimaadka ee dowlad Goboleedyada.

Munaasabad lagu soo dhaweynayo Wufuuda oo isugu jira Wasiiro, Agaasimayaal Guud, Agaasima Waaxeedyo iyo Madax kale ayaa haatan ka socota Garoonka diyaaradaha Kismaayo, waxaana halkaas ku sugan Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland.

Ujeedka Wasiirka Wasaaraha Caafimaadla Xukuumadda xilgaarsiinta Fowsiya Abiikar Nuur iyo Wasiirada Wasaaraddaha Caafimaadka ee dowlad Goboleedyada dalka ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galka Shir uga furmaya Kismaayo.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka lagu sheegay in Shirka ka furmaya kismaayo uu yahay Shirka Wadatashiga Wasaaraddaha Caafimaadka dowladaha Xubnaha ka dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiir Fowsiya Abiikar iyo Wasiirada kale ayaa Shirka inta uu socdo ka jeedin doona khudbado ay uga hadlayaan xaaladaha Caafimaad ee ka jira degaanadooda iyo Arrimaha kale u baahan in wax  laga qabo ee ku aadan dhinaca Caafimaadka.