Muxuu yahay Qodobka ugu adeg ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho?

Waxaa maalintii afaraad oo xiriir ah galaya Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ay leeyihiin Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda 5-ta dowlad Goboleed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirka ayaa waxaa diirada lagu saarayaa dardargelinta doorashooyinka, hufnaanta, sixitaanka waxyaabihii ka khaldamay doorashada, amniga  iyo jaangoynta xilliga la soo gabagabeynayo doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.

Madaxda Golaha ayaa shalay soo gaba-gabeeyay kulamadii gaar gaarka ahaa ee ay la yeelanayeen Wakiilada Beesha Caalamka, Midowga Musharaxiinta iyo Bulshada Rayidka, iyagoo ka dhageystay tallooyin ku aadan doorashada dalka.

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in Golaha Wadatashiga Qaran ay gelinkii dambe ee shalay si rasmi ah u guda galeen doodda ku saabsan arrinta Amniga, iyadoo Madaxda ay soo bandhigayeen aragtiyadooda la xiriirta Amniga, iyadoo ku kala duwanaayeen qaabka loo dhigayo.

Doodda ugu weyn ayaa ka imaanaysay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, taasi oo in haddii aanu mas’uul ka aheyn Amniga guud aan doorasho la qaban karin, waxaana uu tusaale u soo qaatay wixii dhacay 27 December.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si weyn ugu taageeray Ra’iisul Wasaaraha arrinta Amniga inuu mas’uul ka noqdo, halka Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle aanay mowqifkooda caddeynin.

Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicaiis Lafta-gareen oo markii hore diidanaa shirka uu ku baaqay Ra’iisul Wasaaraha ayaa la aaminsan yahay inay aragtidiisa ku saleysan tahay mowqifka Villa Somalia ee kasoo horjeeda Ra’iisul Wasaare Rooble.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor