Muxuu yahay Ajendaha kulanka Maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka?

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo sabti ah waxaay kulankoodii caadiga ahaa ay ku yeelan doonaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada Golaha ayaa waxaa goorsii horeysay oo xalay aheyd lagu wargeliyay jiritaanka kulanka Maanta, isla markaana looga baahan yahay inay kasoo qeyb galaan, si loo dardar-geliyo howlaha shaqo ee Baarlamaanka.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoonka Golaha Shacabka ayaa waxaa lagu sheegay in Ajendaha kulankaas uu yahay  Akhrinta saddexaad ee hindise Sharciyeedka Beeraha Soomaaliyeed oo horey Akhrinta koowaad iyo labaad loo marsiiyay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa la filayaa inuu shir guddoomiyo kulanka oo saacadaha soo socda ka furmi doona Xarunta Villa Hargeysa.

Muddo xileedka Xildhibaanada Golaha  Shacabka ayaa waxaa ka harsan muddo kooban, ayna horyaalan shaqooyin dhowr ah oo laga sugayo inay qabtaan, waxaana Guddoomiye Mursal uu sheegay in Golaha uu shaqada sii wadi doono ilaa iyo inta Xildhibaanada Cusub laga soo dooranayo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media