Muxuu shirka Midowga Afrika ka sheegay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka?

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qayb galay shirka madaxeedka Midowga Afrika ee ku saabsan warshadaynta iyo isu dheelli-tirka dhaqaalaha oo ka dhacay caasimadda dalka Niger ee Niamey.

Madaxda shirka kasoo qeyb gashay ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in Qaaradda Afrika gaarto isku filnaansho dhaqaale isla markaana la dardar geliyo wax soo saarka iyo warshadaynta iyadoo la isu dheelli-tirayo maalgashiga.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa inta uu socday ka jeediyay khudbad uu uga hadlay arrimo ku sabsan horumarinta warshadaynta

Saalax ayaa waxaa uu sheegay in horumarinta warshaduhu ay lagama maarmaan u tahay in Afrika ay horumarto iyadoo ka faa’iidaysanaysa kheyraadkeeda iyo ballaarinta ganacsiga ka dhexeeya dalalka Afrika.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor