Muxuu RW Rooble kala hadlay Guddiga xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta kulan la qaatay Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka.

Guddiga ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyay howlaha u qabsoomay ilaa hadda iyo sida ay uga go’an tahay in howsha ay u xilsaaran yihiin ay u gutaan habraaca guddiga ee xal u helista cabashooyinka soo ifbaxa.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddiga kula dardaarmay in ay waajibaadka ka saaran hannaanka xallinta khilaafaadka ku saabsan doorashooyinka u gutaan si hufan oo caddaalad ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa isla Maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlayay dardar gelinta howlaha doorashada Xildhibaannada Gobollada Waqooyi, maamulka dhaqaalaha ku baxaya, xareynta ergooyinka, amniga iyo hufnaanta doorashada.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale Taliyaha Booliska Soomaaliya iyo Taliska kuwa Booliska AMISOM kala hadlay howlaha sugida amniga doorashada Aqalka sare ee Somaliland, isagoona ka dalbaday labada dhinac inay iska kaashadaan sugida amniga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor