Muxuu Madaxweyne Guudlaawe kala hadlay Madaxa Ururka Iskaashiga Islaamka?

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa Maanta Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Madaxa Xafiiska Ururka Iskaashiga Islaamka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Ambassador Mohamed Bomba Mohamed ayaa ka wada hadlay xaaladaha guud ee Hirshabeelle iyo sidii Ururka Iskaashiga Islaamka uu u sii dardar gelin lahaa howlaha uu haatan ka wado dalka gaar ahaan shaqooyinka uu ka hayo Hirshabeelle.

Sidoo kale kulankaan ayaa looga hadlay fulinta mashaariicyo muhiim u ah bulshada oo isugu jira qodista Ceelal biyoodyo, hirgalinta Iskuulo waxbarasho iyo sidii kaalin ay uga qaadan lahaayeen xal u helida fatahaadaha wabiga Shabeelle ee kusoo noq noqday deegaanada Hirshabeelle.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa u mahadceliyay Madaxa Xafiiska Ururka Iskaashiga Islaamka ee Soomaaliya Mohamed Bomba Mohamed, wuxuuna ka dalbaday in Ururka Iskaashiga Islaamka uu dardar-geliyo howlaha haatan ka wado dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor