Muxuu Madaxweynaha mareykanku ku Xushay Xamse Warfaa?

Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa nin Soomaali ah u magacaabay inuu Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaas u noqdo la taliyaha sare ee dhinaca dimuqraaddiyadda iyo xuquuqda aadanaha.

Xamse Warfaa ayaa qaxootinnimo ku tagay dalka Mareykanka isagoo da’ yar sannadihii 1990-meeyadii. Waxa uu horay u ahaa ku xigeenka madaxa waaxda shaqada iyo horumarinta dhaqaalaha ee gobolka Minnesota.

Wareysi uu bixiyay ayuu Xamse Warfaa ku sheegay in uu horay ulasoo shaqeeyay Joe Biden, howlo baaxad lehna uu usoo qabtay.

“Ma aha markii ugu horreysay ee uu xiriir na dhex maro maamulka madaxweyne Biden, xilligii uu ku jiray tartanka siyaasadda, laga billaabo bishii saddexaad ee sanadkii 2020-kii, waxaan ahaa la taliyaha dhaqaalaha ee ololihii madaxweyne Biden, marka xiriir hore oo toos ah ayaan la lahaa.

Doorka cusub ee hadda loo xushay ayuu diiradda ku saari doonaa dhanka dimuqraadiyadda iyo xuquuqda aadanaha, isagoo kaalin weyn ka qaadan doona howlaha dowladda ay hoggaamiyaan xisbiga dimuqraaddiga, gaar ahaan arrimaha dibadda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor