Muxuu ka yiri RW Rooble Dadkii ay Somaliland kasoo masaafurisay Laascaanood?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay Dadkii shalay Somaliland kasoo masaafurisay Magaalada Laascaanood, kuwaasi oo kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa nasiib darro ku tilmaamay tallaabadii ay Somaliland dad Soomaaliyeed si qasab ah uga soo masaafurisay Laascaanood, waxaana uu sheegay inuu ka xun yahay falkaas lagu sameeyay dadka kasoo jeeda Koonfurta.

Rooble ayaa xusay in ayaan darro weyn ee tahay  in dadka Soomaaliyeed ee Ganacsatada ahaa lasoo masaafuriyo, isla markaana waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha rajeeyay in dadka Magaalada Laascaanood ay ka dhii-dhiyaan falkaas la sameeyay.

“Taariikh ayaa qormeyso waxaan rajeeynayaa shacabka kunool Magaalada Laascaanood inay ka dhiidhiyaan tusaan wadajirka, Soomaalinimada iyo in dalkaan la wada leeyahay cid Soomaali, Soomaali kale ka xigto ma jirto” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Dadka ay Somaliland kasoo masaafurisay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa eedeysay falal amni darro ah oo muddooyinkii dambe ka dhacaayay Magaaladaas oo geysteen rag hubeysan oo aan qeybtooda la garan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor