Muxuu ka yiri Madaxweynaha Jubbaland Doorashooyinkii ka dhacay Puntland?

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ka hadlay doorashooyinkii Golayaasha degaanka ee maalin kahor ka qabsoomay degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl ee Maamulka Puntland.

Qoraal soo saaray Axmed Madoobe ayaa waxaa uu ugu hambalyeeyay Maamulka iyo Puntland talaabada ay u qaadeen dhinaca dimuqraadiyada ee degmooyin kamid ah laga qabtay Doorashooyinka dadweynaha ee qof iyo Cod ah.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa tilmaamay in tallaabada ay qaadeen Puntland ay tahay mid ay muddo dheer sugayeen shacabka Soomaaliyeed, isla markaana xusay inay muuqato rajo weyn oo ah in meelaha qaar lagu qaban karo Doorashooyinka shacabka.

“Talaabadan oo ah mid mudo dheer ay sugayeen shacabka Soomaaliyeed waxaa hada muuqata rajo weyn oo ah in meelaha duruufaha amniga iyo siyaasadu ay saamaxayaan laga qaban karo  Doorashooyinka shacabku ay kusoo xulanayaan cida matalaysa. waa arin bogaadin mudan in Puntland ay noqotay Dowlad Goboleedkii ugu horeeyay ee hirgaliya waxaana rajaynayaa in Dowlad Goboleedyada kalana ay ku dayan doonan” ayuu yiri Axmed Madoobe oo laba maalin kahor kadib ka hadlay doorashadii Puntland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa uu intaas kusii daray “Doorashooyinka dadweynaha waa fursad weyn oo shacabka loogu dhawaynayo awooda xukunka si ay usoo saaran hogaamiyayaasha ay ka dhex arkaan himilooyinkooda”.

Degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl ee Maamulka Puntland ayaa waxaa ka qabsoontay doorashada Golayaasha deegaanka, taas oo aheynd mid qof iyo Cod ah, waxaana ku tartamay 8 Urur siyaasadeed oo ka jira Puntland oo ay tartamayeen Musharaxiin farabadan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor