Muxuu ka yiri Duqii hore ee Muqdisho Qaraxii lagu le’day ee Gelato Divino?

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahan Duqii Muqdisho ayaa si kulul u Cambareeyay Qaraxii Is-miidaaminta ee xalay ka dhacay Maqaayada Gelato Divino ee ku taalla Koontaroolka Koowaad ee laga ilaaliyo Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde dhinaca xiga Isgoyska KM-4.

Taabid Cabdi Maxamed oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu marka hore tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan Qoysaskii, eheladii, iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka baxeen dadkii dhalinyrada ahaa ee ku geeriyooday Qaraxii dhacay.

Sidoo kale Duqii hore ee Muqdisho ayaa Alle Caafimaad deg deg ah uga baryay inuu siiyo dadkii ku dhaawacmay qaraxa oo xiligaan lagu dabiibayo xaaladooda Caafimaad Xarumo Caafimaad, isagoo ku tilmaamay inuu ahaa mid Argagixisinimo.

Waxaa uu sheegay Guddoomiyihii hore Gobolka Banaadir in Maqaayada Gelato Divino lagu laayay haldoorradii dhallinyarada, sidoo kalena ahaa kuwo aad u firfircoon, uuna ku jiray wiil dhalinyaro ah oo gelinkii dambe ee shalay soo gaaray Muqdisho.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa qaraxii argagixisada ee ka dhacay maqaayadda GelatoDivino ee magaalada Muqdisho oo lagu laayay haldoorradii dhallinyarada ee dalka u ahaa iftiin iyo rajo. Naxariistii janno Allaha ka wada waraabiyo, dhaawacana Allaha u booga dhayo. Waxaan tacsi u dirayaa qoysaska iyo ehellada, waxaana Alle uga baryayaa samir jamiil iyo iimaan saadiq ah” ayuu yiri Taabid Cabdi.

Madaxda dowladda Federaalka, Midowga Musharaxiinta xilka Madaxweynaha iyo qeybaha kala duwan ayaa si kulul uga hadlay qaraxii ka dhacay Maqaayada Gelato Divino oo ah goob ay dadka dhalinyarada xiliyada habeenkii ah ku Caweyaan.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada qaraxii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyagoona sheegay inay bartilmaameedsadeen Saraakii isugu jiray Sirdoon iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa maqaaxida uu qaraxu ka dhacay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media