Muxuu Cumar Filish ka yiri Guusha Ciyaartooyda Gobolka Banaadir?

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa magalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed “Cumar filish” ayaa Hambalyo  u diray  ciyaartoyda iyo dhamaan taageerayaasha Naadiga Gobalka Banaadir. oo ku guulestay Koobka Dowlad Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir.

“Waxaan rabaa inaan halkan ugu hambalyeeyo dhamaan cayaartooyda ka qeyb gashay tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo si Nabad ah noogu soo idlaaday galabta, cayaarahaas oo uu maamulka marti gelinayay, si wnagsan ayayna noogu soo dhamaadeen” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xusay in cayaartooyda Xulka Banaadir ay muujiyeen cayaar wanaag iyo xirfad, waxaana uu yiri “Waxaan rabaa inaan si gaar ah Hambalyo ugu diro xidigaha Xulkda Banaadir oo ku guuleystay tartankii kubadda cagta ee dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, iyagoo soo bandhigay dadaal badan iyo asluub wanaag, waxaana si gaar ah ugu mahadcelinayaa Tababarihii Xulka iyo Goolhayaha oo runtii kaalin weyn ka qaatay guusha la gaaray, waxaan leeyahay Hambalyo sanadkan kiisa xiga ku gaara Nabad iyo Barwaaqo”.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media