Muxuu Aadan Madoobe ka yiri munaasabaddii Xil-wareejinta?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS  mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa maanta ka qeyb galay xaflada xil-wareejinta Ra’iisul wasaaraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre oo uu xilka kala wareegaayey Ra’iisul wasaarihii hore ee JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Xaflada xil-wareejinta Ra’iisul wasaaraha cusub oo ay goobjoog ahaayeen mas’uuliyiinta kala duwan ee dowladda iyo xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  mudane Sheekh Aadan Madoobe oo khudbad ka jeediyey munaasabadda  xil-wareejinta ayaa waxaa uu sheegay in waxyaabaha hortabinta u leh Dalka ay ugu horeeyaan  sugidda Amniga iyo wax ka qabashada abaaraha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor