Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa Turkiga oo maanta dalka dib ugu soo laabanaya

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ka soo ambabaxay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa saacadaha soo socda ku wajahan Magaalada Hargeysa,kuwaas oo gaaraya 94 ruux oo dalkaasi uu ku xayiray cudurka Covid 19.

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga Danjire Jaamac Cabdullaahi  Ceydiid ayaa uga mahad celiyey dhammaan dhinacyadii ka qayb qaatay dib usoo guryo noqoshada muwaadiniintaan.

“Waxaan uga ,mahadcelineynaa dhammaan dadkii ka qeyb-qaatay dib ucelinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xaniban dalka turkiga ,Gaar ahaan waxaa uu uga mahadcilyay dowladda Turkiga oo muwaadiniintaan u ogolaatay inay dalkooda ku laabtaan”Ayuu yiri Danijre Ceydiid.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore dalkaasi turkiga uga soo daad gureysay muwaadiniin ku xanibnaa kuwaasi oo laba jeer laga soo dejiyay Garoonka Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media