Muwaadiniin Soomaaliyeed oo dhaawacyo Culus loogu gaystay dalka Koonfur Afrika

Muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa dhaawacyo kala duwan waxaa loogu gaystay dalka Koofur Afrika, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan weerarkaasi lagu qaaday muwaadiniintaasi Soomaaliyeed ee qaybta ka ah dadka Soomaaliyeed ee ganacsiga ku leh dalkaaasi.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in labo muwaadin oo Soomaaliyeed dhaawacyo loogu gaystay dalkaasi, waxaana maagcyadooda lagu soo koobay Xundubeey iyo Jaceyloow, waxaana la sheegay in dhaawacyadodu ay yihiin kuwo culus.

Weerarka ayaa ka dhacay Kraaifontein oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee Dalkaasi Koonfur Afrika, waxaana la sheegay in kooxo Burcad koofur African ah ay weerareen dhallinyaraadasi Soomaaliyeed, waxaana sidoo kale wararku waxaa ay intaas ku darayaan in xaalad kacsanaan ah ay ka taagan tahay halka lagu magacaabo Kraaifontein oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee Dalkani Koonfur Afrika, taasi oo la sheegay in lagu weeraray dhalinyaraasi.

Waxaa hadda socda Baaritaanno la sheegay in ay sameynayaan Boolisku, waxaana maal mihii lasoo dhaafay socday boob iyo qalalaasi ka taagnaa degaankaasi, waxaana ganacsatada Soomaaliyeed ee Magaaladaasi ku nool ay walaac ka muujiyeen dhacdadaasi.

Dalka Koofur Afrika waxaa ku ganacsada Soomaali farabadan, waxaana inta badan ay lakulmaan dilal iyo dhac aan xisaab lahayn, iyadoo bilihii lasoo dhaafay xaaladda dalkaasi ay ahayd mid kacsan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor