Muwaadiniin Soomaali ah oo ku xayirnaa Dal oo dib loogu soo celiyay Muqdisho

Safaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa markii labaad ufududeesay muwaadiniin Soomaaliyeed oo gudaha dalka Hindiya ku xayirnaa tan iyo markii  xuduudaha dalkaasi loo xeray xanuunka Faafa ee Covid-19.

Muwadiniin gaaraya 128 qof oo isugu jira Ragg iyo Dumar ayay Safaarada ku guleeysay maanta in dib dalka logu soo celiyo, iyaga oo gaari doona magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe.

Dadkan oo ka mahadceliyay sida Safaarada ay u garab istaagtay ayaa  waxaa Garoonka diyaradaha ee magalada Hyderabad dadkaasi ku sogootiyay Safiir ku xigeen ahna lataliyaha Safaradda Salim Cabdullahi Qalinle iyo diblamaasiyiin kale.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Hindya Fadumo Cabdullahi Insaaniya ayaa  dhawanahaanba ku hawlaneed sidii markale muwaadiniinta Soomaaliyeed  ee ku xaniban halkaasi dib dalka logu celin lahaa

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media