Muwaadiniin Soomaali ah oo is-dhaawacday iyo faah faahin laga helay

Labo nin oo Somali ah oo ka mid ah Qaxootiga ku nool Jesiiradda Malta ayaa la sheegay inay is-dhaawaceen, kadib, markii uu dagaal gacan-ka-hadal ah ku dhex maray Degmadda Paola oo 5 KM u jirta Caasimadda Malta ee Valletta.

Hadal ka soo baxay Boliska dalkaasi ayaa lagu sheegay in labada Nin oo da’doodu kala tahay 26-jir iyo 30-jir ah ku  wada dagaalameen  Dhismo ay wada deganaayeen oo ku yaalla Xaafadda Triq tal-Borg oo ka tirsan Degmadda Paola.

Labada nin waxaa la sheegay inay isku garaaceen qalab aan la shaacinin nooca uu ahaa, iyadoo uu midkooda soo gaaray dhaawac halis ah, halka kan kalena ay dhaawacyo fudud soo gaareen.

Labadoodaba waxa lagu daawaynayaa  Isbitaalka ku yaalla Degmadda Paola ee K/Bari ee Jesiiradda Malta.

Dhinaca kaleBoliska Malta ma aysan shaacinin waxa sababay Iska-horimaadkaasi, balse, inta badan Dhallinyarada Afrikaanka ee Qaxootiga ku ah Malta waxay isticmaalaan, kana ganacsadaan Noocyada Maandooriyaha, gaar ahaan Xashiishka iyo Khamriga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor