Muwaadiniin Soomaali ah oo Dil iyo dhaawac loogu geystay K/Afrika

Waxaa xalay Magaalo ka tirsan dalka Koonfur Afrika lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Ganacsatada goobaha Ganacsi ku leh dalkaas, iyadoo Muwaadin kalena fal dhaawac ah loo geystay.

Dilka Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay Magaalada East london ee Gobolka Eastern Cape ee Koonfur Afrika, isla markaana waxaa Marxuumka toogtay rag hubeysan oo burcad ah, sida ay xaqiijiyeen Ilo-wareedyo ku sugan halkaas.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Daahir Carte, isagoo ahaa Ganacsi Caan ka ahaa East london ee Gobolka Eastern Cape, wuxuuna kamid ahaa Odayaasha Soomaaliyeed.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Gobolka Eastern Cape ayaa tegay goobta uu falka ka dhacay, iyagoona sameeyay howlgal ay ku raadinayaan ragii burcada ahaa ee dilka geystay, hayeeshee wax natiijio ah kasoo bixin howlgalkaas.

Dhinaca kale Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cumar Axmed Dhiblaawe ayaa isna xalay waxaa rag hubeysan oo burcad ah ay ku dhaawaceen deegaanka Devitown ee hoostega Magaalada Johannesburg.

Si kastaba Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa sanadkaan gudihiisa 2020 lagu dilay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo halkaas ku lahaa goobo Ganacsi, isla markaana waxaa xusid mudan in mararka qaarkood Muwaadiniinta loo geysto boob xoogan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media