Muwaadin Soomaaliyeed oo xalay lagu dhex dilay goobtiisa Ganacsi

Koox burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa saqdii dhexe ee xalay waxaa ay Xaafad ka tirsan Magaalada Cape-Town ee dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Ganacsatada kunool halkaas.

Allaha u naxariistee Muwaadinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamuud Maxamed Aadan oo ku magic dheeraa Rasta, waxaana lagu dhex toogtay goob Ganacsi oo uu ku lahaa halka loo yaqaano Danoon oo 21-KM u jirta xaafadda Bellville Cape- Town.

Cali Deeq Maxamed oo kamid ah Soomaalida gurmad ahaanta ugu baxday falkaas ayaa xaqiijiyay in Marxuum Maxamuud markii horey loogu dhex galay goobtiisa Ganacsi xili uu kaligiis ku sugnaa, kadibna dhowr rasaas lagu dhuftay, isagoona goobta ku geeriyooday.

Sidoo kale Cali Deeq ayaa sheegay in raggii hubeysnaa ee burcada ahaa ay dhac baahsan u geysteen Dukaanka, isla markaana halkaas isaga tegay, waxaana intaas kadib goobta Ganacsi tegay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Meydka qaaday.

Dilka Koonfur Afrika ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca dilal loo geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee goobaha ganacsi ku leh dalkaas, iyadoona sanadkaan 2020 Koonfur Afrika lagu dilay Muwaadiniin dhowr ah oo Soomaali ahaa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media