Muwaadin Soomaaliyeed oo Maanta lagu dilay Koonfur Afrika

Koox hubeysan oo Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa Maanta waxaa ay Xaafad ka tirsan Magaalada Cape-town ee dalkaas ay ku dileen mid kamid ahaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee halkaas kunool.

Allaha u naxariistee Muwaadinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Mahad Maxamed, isagoo kamid ahaa dadka Soomaalida ee Konfur Afrika ku leh Goobaha Ganacsiga ah.

Dad Soomaali ah oo ku sugan Magaalada Cape-town ayaa sheegay in Marxuumka xiliga la dilaayay uu ku dhex jiray gaarigiisa oo hor yaalay Dukaankiisa, waxaana durbo goobta ka baxsaday ragii hubeysnaa.

Falkan lagu dilay Marxuum Mahad ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafad ku dhow Samora oo hoos-tegta Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, iyadoo laamaha amniga dalkaas ay sheegeen inay ku raad joogaan dambiilayaasha dilay Mahad.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media