Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Africa

Koox burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa  dil u geystay allaha u naxariistee Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Axmed Xuseen Cadow,waxaana dilku uu ka dhacay goob ganacsi oo uu ku lahaa magaalada Cape Town.

Dilka ayaa si gaar ah uga dhacay Tuulo lagu magacaabo Retreat oo goob ganacsi uu ku lahaa muwaadinkaan Soomaaliyeed,waxaana goobta iskaga baxsaday kooxdii weerarka ku dishay.

Muwaadinka Soomaaliyeed ee lagu dilay dalka Koonfur Afrika waxa uu ka mid ahaa dhalinyarada ugu firfircoon ee ganacsiyada ku leh dalkaas,muddooyinkii dambana waxaa soo badanayay dilalka loo geysanayo Soomaalida dalkaas ku ganacsata.

Koonfur Afrika waxaa joogta ka noqday dilka iyo dhaawaca loo geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ganacsiyada ku leh mana jirto ilaa iyo haatan tallaabo cad oo ay qaadday dowladda Koonfur Afrika.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media