Muwaadin Soomaaliyeed ayaa lagu dilay dalka Koofur Afrika, xili faah faahinno dheeraad ah ay kasoo baxayaan dilka Muwaadinkaasi.
Muwaadinka ayaa waxaa dilka u gaystay dableeyd hubaysan ay ku Toogteen Degmada Mitchells Plain oo kamid ah degmooyin ugu dadka badan ee Magaalada Cape Town.
Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Maxamuud Cabdi, waxaana la sheegay in kooxdii dilka gaysatay ay goobta isaga baxsadeen.
Dilka kadib waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan Booliska Koofur Afrika, kuwaasi oo baaritaanno sameeyay, ilaa iyo haddana lama shaacin cid loos oo qabtay dilkaasi.
Dalka Koofur Afrika waxaa ganacsiyo waa weyn ku leh Soomaali badan, kuwaasi oo dilal iyo dhac joogta ah kala kulma burcadda Koofur Afrikaanka ah.