Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Dal ka tirsan Yurub

Magaalada Auckland ee dalka New Zealand ayaa shalay waxaa lagu dilay wiil Soomaali ah oo kamid ahaa dadka Soomaaliyeed ee halkaas kunool, waxaana faah faahin dheeraad ah kasoo baxayaan dilka loo geystay Wiilka.

Dilka Muwaadinka Soomaaliga ah oo ka dhacay Magaalada Auckland ayaa waxaa loo adeegsaday rasaas, waxaana falkaas geystay shakhsiyaad ay weli ku raad joogaan Booliska New Zealand ee Magaalada Auckland .

Ciidamada Booliska ayaa marka hore arkay Meydka Muwaadinka oo yaalla wadada, iyagoona kadib qaaday, isla markaana geeyay Isbitaal, Booliskana ayaa markii dambe ku wargeliyay qoyska Muwaadinka oo ay u sheegeen in Wiilkooda la dilay.

Sidoo kale Booliska ayaa wada baaritaano kala duwan oo ay ku baadi goobayaan shakhsiyaadkii ka dambeeyay dilka oo baxsaday, iyadoona dilka ay ka naxeen Soomaalida kunool Magaalada Auckland ee dalka New Zealand.

Muwaadinka la dilay ayaa da’diisa lagu qiyaasay inay u dhexeeyso 20 ilaa 30 sanno jir,  isla markaana waxaa uu kamid ahaa Soomaalida degan Auckland, waxaana Magaalaas ay kamid tahay Magaalooyinka ay Soomalida ugu badan ee New Zealand ay deganyihiin.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor