Muwaadin Soomaaliyeed oo ka cararay Burcad hubeysan oo Gaari jiiray

Muwaadin Soomaali ah ayaa goor dhow ku geeriyooday shil Gaari oo ka dhacay Gobalka Eastern Cape ee dalka Koonfur Afrika, xili Muwaadinka ay ceyrsanayeen Rag hubeysan oo Burcad madow ah.

Allaha u naxariistee Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Xasan oo ku magac dheeraa (Carab Xasan), waxaana gaari uu ku dilay/ku jiiray wadada R75 ee isku xirta Magaalooyinka Despatch iyo Port Elizabeth

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Marxuum Cabdiraxmaan Xasan, xiligii uu shilka galayay uu ka cararay rag hubeysan oo burcad ah, kuwaasi oo rabay in ay dhacaan gaari uu lahaa oo noociisu ahaa Panel Van.

“Inta aysan soo gaarin burcada ayuu marxuumka gaariga wadada dhinaceeda ku baakimay kadibna wuxuu isku Dayay in wadada highway-ga uu ka gudbo hasa ahaate gaari ayaa ku yimid oo dilay/jiiray” ayuu yiri goobjooge Soomaali ah.

Geerida Carab, waxaa eheladiisa u xaqiijiyay darawalkii waday gaariga dilay ama jiiray marxuumka kaasi uu markii uu gaariga ku dhuftay joojiyay, kadibna telefoonka-ka jeebkiisa ka soo bixiyay, wacay numbaradii ugu dambeeyay, sidaasne uu ugu sheegay in qofka mobeilka lahaa uu gaari ku dhacay, uuna geeriyooday.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor