Muwaadin Soomaaliyeed oo goobtiisa Ganacsi lagu dhex dilay

Kooxo hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa waxaa habeenkii xalay aheyd ay deegaan ka tirsan Magaalada Cape-town ee dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa dadka halkaas ku leh goobaha Ganacsi.

Dilka loo geystay Muwaadinka ayaa ka dhex dhacay goob Ganacsi oo ku taalla deegaanka Belhar oo ka tirsan Magaalada Cape-town, waxaana goobta ugu dhex galay burcada hubeysneyd, iyagoona rasaas dhowr ah ugu dhuftay qeybaha sare ee Jirka.

Allaha u naxariistee Muwaadinka Soomaaliyeed ee la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Cabdiraxmaan Cali, isla markaana waxaa goobta uu falkaas ka dhacay si deg deg ah uga baxsaday raggii ka dambeeyay falkaas.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Afrika ayaa tegay goobta, iyagoona sameeyay baaritaano aan wax natiijo ah kasoo baxin, taas oo ah sida ay sheegeen Muwaadiniin Soomaali ah in aysan xil iska saarin sidii loo qaban lahaa dadka dilalka geysta.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa horey sidaan oo kale loogu dilay Muwaadiniin farabadan oo Soomaali ah, kuwaasi oo goobo Ganacsi ku lahaa dalkaas, iyadoo aysan jirin cid ka tirsan dowladda Soomaaliya oo iska xil saartay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka mar kasta Koonfur Afrika loo geysto Muwaadiniinta Soomaalida ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor