Muwaadin Soomaali kale oo Saacado gudahooda lagu toogtay Koonfur Afrika

Burcad hubeysan ayaa saacado gudahood isla xalay gudaha Koonfur Afrika ku dishay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cismaan Aadan Axmed, kaasi oo kamid ahaa Ganacsada  dalkaas ku leh goobaha Ganacsi.

Dad Soomaali ah ayaa soo weriyey in Burcad hubeysan oo dooneysay inay Muwaadinka dhac u geystaan goobtiisa Ganacsi ay dileen Cismaan Aadan, kadib markii ay weerareen dukaankiisa oo ku yaalla degmada Ehlanzeni ee Gobolka Mpumalanga ee Koonfur Afrika.

Toogashada kadib Burcada oo wadatay qoryo ayaa dhac u geystay dukaanka uu lahaa Marxuum Cismaan Aadan Axmed, sida ay sheegeen qaar kamid ah Ganacsatada degaanka oo markii falkaas dhacay isaga cararay goobta.

Goorsii horeysay oo xalay ayey sidaan oo kale koox hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan fal isugu jiray Dil iyo dhaawac u geysteen laba Muwaadin Soomaaliyeed oo ku sugnaa deegaanka Soweto oo dhacda duleedka Magaalada Johannesburg, xili la xirayey Dukaaman ay lahaayeen, iyagoona muwaadiniinta lagu furay rasaas farabadan.

Muwaadinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Jimcaale Cali Dable, halka Axmed Cabdullaahi Cali isna dhaawac halis ah uu kasoo gaaray weerarka lagu qaaday, isagoona durbadii loola cararay Isbitaal, si loogu daaweyo xaaladdiisa Caafimaad.

Waa dilkii ugu horreeyay ee sanadkan 2022 dalka Koonfur Afrika loogu geysto Allaha u wada naxariistee Muwaadiniinta lagu magacaabi jiray Cismaan Aadan Axmed iyo Cabdi Jimcaale Cali Dable, halka dhaawacay Axmed Cabdullaahi Cali.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor