Boliska dalkaasi ayaa shaaciyey in Ninkii Soomaaliga ee dabayaaqadii bishii hore ee June dhowrka qof ku dilay magaalladda WUERZBURG in loo wareejiyey Isbitaalka lagu daaweeeyo Cuddurka Dhimirka.
Hadal ka soo baxay Boliska BAVARIA iyo Baarayaasha ayaa lagu muujiyey inuusan Ninkaasi wax xiriir ah la lahayn Kooxda Daacish ama Ururo kale, isla markaana aysan mirin cid ku wehlisay weerarkii Tooreyda ee uu ku dilay 3 Haween, kuna dhaawacay 5 kale.
Boliska waxaa kaloo baareen Telefoonkii uu lahaa Ninka Soomaaliga ee weerarka geystay, iyagoo ka waayey xiriir uu la sameeyey Shaqsiyaad ka tirsan Kooxda Daacish ama kooxo kale.
Ninka Soomaaliga ee weerarka geystay oo 25 jir ah waxa horey looga daaweeyey Xanuunka Dhimirka, sida ay xaqiijiyeen Baarayaasha iyo Dhakhaatiirta Jarmalka.