Muwaadin Soomaali ah oo Maanta lagu dilay Gudaha Koonfur Afrika

Koox hubeysan oo Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa Maanta deegaan ka tirsan dalkaas waxaa ay ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa dadka halkaas kunool.

Muwaadinka Soomaaliga ah ee la dilay ayaa dad yaqaanay waxaa ay magaciisa kusoo gaabiyeen Xasan, waxaana dilkiisa uu sigaar ah uga dhacay deegaanka Nelspruit ee Gobolka Mpumalanga ee Koonfur Afrika.

Kooxda burcadda ah ee dilka fulisay ayaa isaga baxsatay goobta, waxaana durbo halkaas gaaray Muwaadiniin Soomaaliyeed oo meydka marxuumka ka qaaday goobta.

Soomaalida ku nool deegaanka Nelspruit ee Gobolka Mpumalanga ee waxa ay sheegeen in Xasan uu ahaa shaqsi kaxeeyn jiray mid kamid ah gaadiidka alaabta lagu wareejiyo ee loo yaqaano delliveriga.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media