Muwaadin Soomaali ah oo Dal ku yaalla Afrika ugu geeriyooday COVID-19

Allaha u naxariistee waxaa xalay Isbitaal ku yaalla Magaalada Cape-town ee dalka  Koonfur Afrika ku geeriyooday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo maalmihii lasoo dhaafay la xanuunsanaa Cudurka halista ah ee Coronavirus.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Axmadeey Maxaa Cabdi ayaa waxaa la sheegay in todobaadyadii la soo dhaafay uu Cudurka COVID-19 uu la jiifay isbitaal, iyadoona ugu dambeyn xalay uu u geeriyooday Cudurka.

Qaar kamid ah Ganacsata Soomaaliyeed ee kunool Magaalada Cape-town ee dalka  Koonfur  Afrika ayaa waxaa ay sheegeen in Marxuumka uu ahaa qof si weyn looga yaqaanay Xaafadda ay Soomaalida degto ee Bellville.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa saameeyn ballaaran ku yeeshay Cudurka halista ah ee Coronavirus, waxaana uu ku dhacay 27,403 qof, halka ka bogsadeen 14,370 qof, isla markaana waxaa Cudurka halkaas ugu geeriyooday 577 qof oo 6 kamid ah ay yihiin Muwaadiniin Soomaaliyeed oo dalkaas kunoolaa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media