Muwaadin Soomaali ah oo COVID-19 ugu dhintay Dal ku yaalla Afrika

Muwaadin Soomaaliyeed ayaa saacadihii lasoo dhaafay Cudurka halista ah ee Coronavirus ee aduunka dhan sameeyay ugu geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Cape-Town ee dalka Koonfur Afrika.

Allaha u naxariistee Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Kheyre, isagoo maalmihii lasoo dhaafay la xauunsanayay Cudurka COVID-19 oo ku dhacay.

Geerida Marxuumka ayaa waxaa xaqiijiyay Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida dalka Koonfur Afrika Khaliif Xuseen, waxaana sidoo kale Cali Kheyre uu ahaa Nabadoon siweyn looga yaqaanay Magaalada Cape-Town.

Cudurka halista ah ee Coronavirus ayaa saameyn xoogan u geystay dalka Koonfur Afrika, waxaana uu ku dhacay 3,300 oo Ruux, halka ay ka bogsadeen 1,055 Ruux, waxaana ugu geeriyooday dalkaas Cudurka 58 Qof.

Waa muwaadinkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee Cudurka Corona ugu dhintay dalka Koonfur Afrika.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media