Muwaadin Soomaali ah iyo Gabar u shaqeyneysay oo weerar lagu dilay

Koox hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa waxaa ay habeenkii xalay aheyd deegaan hoostega Magaalada Tzaneen oo ku taalla Gobalka Limpopo ee dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Ganacsatada kunool Koonfur Afrika.

Muwaadinka oo magaciisa lagu soo gaabiyey Axmed ayaa waxaa lagu toogtay degaan lagu magacaabo Ga-mawa Block 7 oo 57,2 KM  u jira Magaalada Tzaneen ee ku taalla Gobalka Limpopo ee Koonfur Afrika.

Muwaadiniin Soomaali ah oo goobta uu falku ka dhacay ka Agdhawaa ayaa tilmaamay in Axmed lala dilay Gabar Koonfur Afrikaan ah oo u shaqeyneysay, waxaana weerarka lagu dilay labadooda uu ka dhacay afaafka hore ee goob Ganacsi oo ay lahaayeen.

“Dukaanka waa ay dheceen, waana carareen, Ciidamada Booliska ayaana Baaritaano wada hadda” ayuu yiri  Axmed Cismaan oo kamida Ganacsatada Soomaaliyeed ee degan halka weerarka ka dhacay, waxaana xusid mudan in falkaas uu ka badbaaday Wiil kale.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Afrika ayaa durbo tagay halka uu dilka ka dhacay, iyagoona sheegay inay wadaan baaritaano ay ku baadi goobayaan raggii ka dambeeyay falkaas oo durbadiiba goobta isaga baxsaday.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu yahay dal dilal iyo boob loogu geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee halkaas ku leh goobaha Ganacsi, mana jirto cid iska xirtay sidii wax looga qaban lahaa dilalka loo geysanayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaas kunool.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor