Muwaadin Somali oo la jir-dilay, kadibna Badda lagu tuuray

Koox Burcad oo ka koobnaa 15 nin ayaa la sheegay in Muwaadin Somali ku jir-dileen, kadibna ku tureen Badda u dhow Dekedda Mġarr ee magaalladda GOZO ee Jesiiradda Malta.
Baraha Bulshada, gaar ahaan Facebok ayaa lagu baahiyey Tacadigaasi ayaa la sheegay inay suurto-gal tahay inuu qeyb ka yahay Weerarada ku salaysan Cunsuriyadda ee ay la kulmaan Qaxootiga Afrikaanka ee ku nool Jesiiradda Malta.
Muwaadinka Soomaaliga oo aan magaciisa la shaacinin ayaa jir-dilka kadib, waxay ku tuureen Badda, isagoo wejiga ku dhufsaday Dooni, soona gaaray dhaawacyo kale.
Ninka Soomaaliga markii uu ka soo dabaashay Badda ayuu weydiiyey Burcadii garaacday sababta ay isaga ula dhaqmayaan sidii Eeyda oo kale.
Boliska Malta waxay xaqiijiyeen in lagu soo wargeliyey dhacdadaasi iyo inay gacanta ku dhigeen 2 Nin oo mid u dhashay Malta iyo nin kale oo Shisheeye ah, kuwaasi oo lagu soo oogi doono dhibaataynta Muwaadinka Soomaaliga.
Afhayeen u hadlay Boliska ayaa sheegay in mid ka mid ah dhinacyadaasi lagu eedeynayo inuu Ninka Soomaaliga ku tuuray Badda iyo inay soo dhaawacyo Fudud soo gaareen.
Dhinaca kale, Qoraal la soo dhigay Barta Facebook ayaalagu muujiyey inuu Muwaadinka Soomaalida u dhiman lahaa Xadgudubkaasi, waxayna ku baaqeen in la joojiyo Tacadiyada iyo Arxan-darada loo qabo dadyowga kala duwn, taasi oo gaartay heerkii ugu sareeyey ee ay dadka qaarkooda ku farxaan Falalka Awood-sheegashada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor