Muwaadin Somali Maraykan lagu dilay Minneapolis

Saraakiisha FBI-da Maraykankaee magaalladda Minneapolis ayaa la sheegay inay baadi-goobayaan Gacan-ku-dhiiglihii dilay Muwaadin Somali ah oo lagu magacaabi jirey Abdi Haji Mohamed Liban.

Marxuumka la dilay ayaa ls sheegay inuu sumcad ku dhex lahaa  Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Maraykanka, gaar ahaan Gobalka Minnesota

Saraakiisha Boliska iyo Madaxda Jaalliyadda Soomaalidda deggan magaalladda Minneapolis waxay dadka ugu baaqeen inay is-dejiyaan, lana soo qaban doono Gacan-ku-dhiiglaha dilay Marxuumkasi  oo caan ka dhex ahaa Jaalliyadda Soomaaliyeed.

Kormeere Todd Loining oo ka tirsan Boliska Minneapolis ayaa sheegay inuu dilkaasi ahaa kii labaad oo 36-kii saacadood ee la soo dhaafay ka dhacay magaalladaasi.

Marxuumka la dilay  Abdi Haji Mohamed Liban.  ayaa la sheegay inuu ahaa Ilaaliye dhinaca Ammaanka oo u shaqeeya Shirkad lagu magacaabo Horn Towers.

Siraad Siyaad oo uu adeer ahaa Marxuumka la dilay ayaa sheegtay inuu Adeerkeeda muddo 14 sanno ka ahaa Ilaaliye u shaqeeya Dowlad-gobaleedka Minnesota, isla maarkaana aysan jirin cid uu horey u dhibaateyey.

Hoggaamiyaha Jaalliyadda Soomaalida ee Minneapolis, Jibril Afyare ayaa ugu baaqay Mujtamaca Soomaalida inay gacan ka geystaan dadka ka dambeeya dilalkaasi.

Dhinaca kale, Baarayaasha FBI-da ayaa rumeysan inay Gacan-ku-dhiiglaha geystay toogashadda is-yaqaaneen Marxuum Abdi Haji Mohamed Liban.

Dilkaasi ayaa la sheegay inuu ahaa kii 40-aad oo sannadkan lsgu dilay magaalladda Minneapolis.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor