Muuse Biixi “Waxaan ku garab taaganahay dowladda Itoobiya dagaalka ay kula jirto TPLF”

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi, ayaa lasoo tabiyay inuu taageero u muujiyay dowladda Itoobiya ee dagaalka kula jirta xoogagga fallaagada ah ee TPLF, sida ay sheegtay Warbaahinta Fana ee ku hadashada afka dowladda.

Fana ayaa warkan boggeeda Facebook ku daabacday 28-kii bishan November.

“Waxaan garab taagan nahay ololaha badbaadada ah ee ay dowladda Itoobiya ka waddo waqooyiga dalkaas,” Fana ayaa soo xigatay hadalkaas oo ay sheegtay inuu yiri madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sida lagu soo warramay hadalkan ka sheegay kulan uu xafiiskiisa kula yeeshay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Maxamed Cagjar.

Labada hoggaaiye ayaa sidoo kale ka wada hadlay sida loo ballaarin karo xiriirka ganacsi iyo midka dhaqaale ee u dhaxeeya labada dhinac.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor