Muuse Biixi oo Xilkii ka qaaday Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Sool

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegtooyin Madaxweyne oo summadoodu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-781/112021 iyo JSL/XM/WM/222-782/112021 waxaa uu xil ka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey masuuliyiin ka mida xukuumada.

Waxaana uu xilkii ka qaaday Saleebaan Diiriye Cabdi Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Sool, iyadoo xilkaasi loo magacaabay Maxamed Aadan Cumar Maxamed, kaasi oo noqonaya  Guddoomiye Ku-xigeenka Cusub ee Gobolka Sool.

Sidoo kale Madaxweyne Muuse Biixi ayaa Wakiilka Somaliland ee Kenya u magacaabay Maxamed Axmed Maxamuud Diiriye.

 

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor