Muuse Biixi oo Magacaabay Guddi kasoo tala-bixiya dhibaatadii dhawaan ka dhalatay Muddaharaadka

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa magacaabay Guddi uu u igmaday inay kasoo tala bixiyaan hanaankii lagu xalin lahaa dhibaatadii ka dhalatay mudaaharaadyo ka dhacay qeybo kala duwan oo katirsan Somaliland.

Qodobada guddiga loogga fadhiyo inay xal u helaan, waxaa kamida ah:

-Soo ururinta sababihii keenay mudaaharaadyadii dhacay

-Khasaarihii ka dhashey mudaaharaadka

-Cidda eedda iska leh

Guddigan ayaa ka kooban shan xubnood, oo katirsan golaha wasiiradda Somaliland.

Dhismaha guddigan, ayuu Madaxweyne Muuse Biixi ogeysiiyey Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland iyo madaxweyne kuxigeenka Somaliland.

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor