Muuse Biixi oo ka hadlay xaalada COVID-19 ee Somaliland fariina diray

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka hadlay xaaladda guud ee ka marayo ka hortagga iyo la dagaallanka xanuunka COVID-19 iyo dedaallada ay xukuumaddu waddo, isaga oo sidoo kalena farriin u diray shacabka reer Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo warbaahinta kula hadlay xarunta wasaaradda Caafimaadka, ayaa ugu horrayn shaaciyey inay is beddeshay xaaladda xanuunka COVID-19 , islamarkaana shacabka looga baahan yahay inay feejignaan gaar ah galaan, una diyaar garoobaan xaaladda cusub ee soo korotay,

Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey in xanuunku gaaray heer loogu geeriyoodo gudaha Somaliland, filashaduna tahay in tirada uu asiibaa sii badato marka la qabyo tiro agabka baarista covid-19 oo la filayo inuu dhawaan bilaabo shaqadiisa,

Muuse Biixi Cabdi waxa uu baaq u diray culaamu’diinka iyo dadka gacanta ku haya masaajiddada kala duwan, waxana uu ugu baaqay inay xil iska saaraan badbaada bulshada iyo kala dheeraantooda inta lagu jiro xaaladda xanuunka covid-19,

Dhinaca kale, waxa uu Madaxweynuhu shaaciyey in xanuunka covid-19 awgeed la joojiyey munaasibadihii la qaban jirey 18-ka May iyo 26-ka June.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media