Muuse biixi iyo wefdi uu hoggaaminayo oo u amba-baxay dalka Itoobiya

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti uu hoggaaminayo ayaa saaka safar ugu baxay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa kadib, martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxda dalka Itoobiya.

Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi oo diyaarad khaas ah ka raacay Garoonka diyaaradaha ee Cigaal ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa safarkiisa ku wehelinayey Wasiirka horumarinta Maaliyadda  Somaliland Dr Sacad Cali Shire.

Waxaana kassii horeeyay oo safarka ku weheliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr Ciise Kayd, Wasiirka Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Cabdirisaaq Ataash iyo Ergayga Ictiraaf Raadinta  Somaliland Dr Edna Aadan.

Booqashadan rasmiga ah ee Madaxwaynaha Somaliland ku tagay dalka Itoobiya aya waxa uu la kulmi doonaa Madaxda Itoobiya oo ay ka wada hadli doonaan xiriirka soo jireenka ah ee labada dal iyo xoojinta horumarka iyo nabadgalyada Geeska Afrika.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor