Muuqaallo cusub oo muujinaya tacaddiyada booliska Mareykanka oo la shaaciyay

Muuqaallo dhowr ah oo muujinaya gaboodfallada booliiska dalka Mareykanka ay u geysanayaan shacabka dalkaasi ayaa soo shaac baxay intii ay socdeen mudaaharaadyo looga soo horjeedo dilka George Floyd oo ah Mareykan asalkiisa yahay Afrikaan.

Magaalada Buffalo, laba askari oo boolis ah ayaa shaqada laga joojiyay ka dib markii uu soo baxay muuqaal muujinaya iyaga oo dhulka ku tuuraya nin oday cadaan ah.

Muuqaalkan ayaa muujinaya nin 75 jir ah oo u yimid askar ka tirsan booliska oo dhaqan gelinaya bandow lagu soo rogay magaaladaasi. Askartaasi booliska ah ayaa la arkayay iyaga oo dhulka ku tuuraya odeygaasi isla markaana madaxa ka garaacaya ilaa iyo inta uu dhiig dhagaha ka keenay.

 

Balse warbixin qoraal ah oo uu soo saraay booliska gobolkaasi ayaa lagu sheegay in odeygaasi uu kufay xilli ay rabshado dhex marayeen booliska iyo dad dibad-baxyo dhigayay, hadalkaasi oo ay ka dhalatay caro hor leh.

Dhanka kale, booliska magaalada Indianapolis ayaa baaraya ficillada askar ka tirsan booliska oo muuqaal laga dhex arkay iyaga oo garaacaya isla markaana rasaas dheemisha ah oo basbaas ka sameysan ku ridaya haweeney madow ah.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media