Muudeey oo Shaqadii u fasaxay Xoghayihii Golaha Shacabka Soomaaliya

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa Shaqadii dib ugu fasaxay xoghayihii Golaha Shacabka C/kariin Xaaji Cabdi Buux oo uu Shaqa joojinta uu ku sameeyay xilligii uu jiray khilaafkii guddoonka Golaha Shacabka.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska guddoomiye muudeey, isla markaana la ogeeysiiyey dhammaan hay’adaha dowladda iyo Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa Shaqadii loogu fasaxay xoghaye Buux.

Sidoo kale Wasaaradda Maaliyadda iyo bangiga dhexe ayaa laga codsaday in ay fasaxaan kharashaadkii golaha ee hakadka galay bilihii febaury, Maarso iyo Apriil

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media