Mustafe Cagjar oo war kasoo saaray go’aan ay Golaha Wasiirada Somalia gaareen  

Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaali Galbeed Mustafe Cagjar ayaa war kasoo saaray go’aankii Golaha Fulinta ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ku buriyeen go’aan hore oo ururka ONLF loogu aqoonsaday inuu yahay urur argagixiso.

Mustafe ayaa soo dhaweeyay talalabada ay qaateen RW Rooble iyo Wasiiradiisa, waxaana sidoo kale uu  ka hadlay go’aankii Abdikarim Sheikh Muuse (Qalbidhagax) loogu gaacngaliyay Itoobiya.

Waxaa uu carrabka ku dhuftay Mustafe Cagjar in Go’aankaas hore uu ahaa ficil argagax galiyay shacabkii dulmanaa ee Deegaanka Soomaalida, xad-gudubna uu ku ahaa dhaqanka dawladnimo, ka Soomaalinimo iyo ka islaanimaba, kaasi oo si weyn ay uga xumaadeen shacabka Soomaaliyeed, maaddama muwaadin Soomaaliyeed loo gacan galiyay Cadaw, sidoo kalena urur xaq u dirir ah oo Soomaaliyeed loo aqoonsaday Arga-gixiso.

Hoos ka akhriso Qoraalka uu soo saaray Mustafe Cagjar

Waxaan si wayn u soo dhawaynayaa go’aanka Golaha Fulinta ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ku buriyeen go’aan hore oo ururka ONLF loogu aqoonsaday inuu yahay urur argagixiso ah, gacan cadawna lagu galiyay halgamaa Abdikarim Sheikh Muuse (Qalbidhagax).

Go’aankaas hore wuxuu ahaa ficil argagax galiyay shacabkii dulmanaa ee Deegaanka Soomaalida, xad-gudubna ku ahaa dhaqanka dawladnimo, ka Soomaalinimo iyo ka islaanimaba.

Waxaa kale oo aan dhaleeceeynaynaa ficiladii lamidka ahaa ee Deegaano kale oo Soomaaliyeed cadaw ugu soo gacan-geliyeen halgamayaal Soomaaliyeed oo diidaanaa tacadigii lagu hayay dadkooda.

Waxaan rajaynayaa in taariikhdaas madow ee uur-ku-taaladda leh, xiligii ay dhacaysayna aan dhaleeceeynay, cashir iyo cibro-qaadasho u noqoto cid walba oo xadgudbkaas samaysay. Waxaan ugu baaqayaa inay ka bixiyaan raali-galin buuxda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor