Muslimiinta Turkiga oo manta salaadda Jimcaha ku oogaya Masjid in Muddo ah Matxaf ahaa

Salaadda Jimcaha ayaa lagu wadaa in manta lagu tukado dhismaha Masjidka Xaajiya Soofiya oo ku yaalla Magaalada Istambuul ee dalka Turkiga,ka dib markii in muddo ah uu ahaa Matxaf ama goob lagu bandhigo dhaqanka iyo taariikhda.

“Muslimiintu way faraxsanyihiin, qof walbaa wuxuu doonayaa inuu ka qeyb galo furitaanka,” ayuu yiri Gudoomiyaha Magaalada Istanbul Ali Yerlikaya oo maalinimadii shalay la hadlay Warbaahinta.

Horaantii bishaan, maxkamadda sare ee Turkiga ayaa baabi’isay  madxafkii Hagia Sophia,oo muddo 86-sano ah ahaa dhismo hey’adda  Unesco ay u aqoonsan tahay  goob lagu bandhigo dhaqanka iyo taariikhda.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay in 24-ka Luulyo oo ku began manta dib loo furayo dhismahaasi oo loo qorsheeyay in uu noqdo masjid

sanadkii 537 waxaa la bilaaay  dhismahaasi oo ay gacanta ku hayeen koox Kirishtaan ah oo ka socota dariiqada Ortodex,waxaana sanadihii u dheeyay  1204- 1261-dii maamulaayey koox kale oo ah Katooligga,iyagana waxaa dhismahaasi kala wareegay muslimiinta sanadkii1443-dii.

Sanadkii 1935-tii dhismahaasi waxaa loo aqoonsaday Matxaf,xilligaasi oo uu talada dalka Turrjiga haayey Ataa Turki

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media