Musharixiinta Mucaaradka ah  oo war kasoo saaray Ciidan la dul dhigay Guryahooda

Waraaq kasoo baxday Midoowga Musharixiinta Madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamo la dul dhigay xarumaha qaar ka mid ah musharixiinta, waxayna musharixiinta cambaareeyeen falkaas.

Inkasta oo aysan sheegin kuwa ay yihiin musharixiinta ciidamada la dul dhigay iyo waliba faahfaahin la xiriirta qaabka ciidanka loo dul dhigay, ayay haddane warka ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in waxa ka dhasha uu mas’uuliyadda wixii ka dhasha falka.

Qaar ka mid ah musharixiinta ayaa dhowaan sheegay in ay ka qeybgalayaan banaanbaxyo lagu dalbanayo in doorasho xalaal ah ay ka dhacdo dalka.

Qoraal kasoo baxay Midowga ayaa lagu cambaareyay Tallabada ay dowladdu Ciidanka u dul dhigtay Musharxiinta, waxaana ay ku sheegen in ay tahay daan-daansi dagaal oo cad oo uu wado madaxweyne Farmaajo.

Hoose ka aqriso Qoraalka Musharxiinta

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media