Musharixiinta Mucaaradka ah oo Magacaabay Saraakiil ammaanka u qaabilsan

Midawga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Magacaabay Saraakiil Ciidan oo  ilaalin doona Aminiga Musharixiinta Muacaaradka ah ee u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha, waxaana Magacaabistaani ay ka dambeysay kadib markii  Midowga Musharaxinta ay Muqdisho shir ku yeesheen.

Warar hoose ayaa sheegaya in Sarakiisha la magacaabay ay ku jiraan Saraakiil kala duwan oo horay qaarkood qayb kaga ahaan jiray Ciidanka Millatariga Soomaaliya, waxaana ka mid ah Saraakiisha Genaral Yuusuf  Maxamed Siyaad Indhacadde iyo Maxamuud Macali koronta, iyadoo ay jiraan Saraakiil kale oo aan ilaa hadda la sheegin, kuwaasi oo dhanka ammaanka u qaabilsana doona  Midowga musharixiinta.

Midowga Musharixiinta ayaa muqdisho waxaa ay ku leeyihiijn Shirar aan loo kala kicin oo ay kaga hadlayaan arrimaha doorashooyinka, waxaana horay muqdisho ay ugu yeesheen Shirweyne ay kasoo saareen War-murtiyeed dhinacyo badan taabanayay.

Musharixiintu waxaa ay si weyn kaga hor yimaaden Guddiga doorashooyinka oo ay sheegeen in ay ku jiraan Xubno ka tirsan Xafiisyada dowladda iyo Hay’adda NISA, waxaan Dowladda Soomaaliya aysan ilaa hadda waxba ka beddalin guddiga oo cabasho laga muujiyay, iyadoo bogaadin iyo dhiirragalin u sameysay guddiga la magacaabay ee doorashada ka shaqayn doona.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media