Musharixiinta ku shiraya Muqdisho oo baaq u diray Jubbaland iyo Puntland

Murashiiinta u taagan Xilka madaxweyaha Soomaaliya ee Muqdisho ku shiraya ayaa soo saaray warqad ay baaq ugu dirayaan Dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada dalka ka dhisan.

Waxaana  ay Murashixiintu walaac ka muujiyeen Qaar ka mid ah Xubnaha  Guddiyada loo Magacaabay in ay doorashada ka shaqeeyaan, iaydo Mas’uuliyiintu ay sheegeen in dib u habeyn lagu sameeyo

Guddiyada.

Murashixiinta ku shiraya Muqdisho ayaa sheegay in ay baaritaan ku sameyeen Guddiga ayna ogaadeen in ay ku jiraan Xubno ka tirsan Shaqaalaha rayidka Maamul Goboleedyada qaar, waxaan ay sheegeen taasi ay ka dhigan tahay in Xubnaha Guddiyada aysan buuxin shuruudihii lagu heshiiyay.

Maamul Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayay sheegeen Murashxiintu in Xubnaah ay soo magacaabeen ee heer Federaal ay ka tirsan yihiin Shaqaalaha rayidka.

Hoos ka Aqrisho Warqadda ay soo saareen Murashixiintu

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media