Musharaxiinta oo ugu baaqay Farmaajo inuu cudur-daar ka bixiyo falkii shalay

Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si kulul u Cambaareeyay falkii shalay Askari ka tirsan Ciidanka dharcada ee dowladda uu ku rasaaseeyay dad banaanbax ka waday Magaalada Muqdisho.

Musharaxiinta oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa ay ku sheegeen inay aad uga xun yihiin Ninkii ku hubeysnaa Bastoolada ee rasaasta dushooda ku riday dad u badnaa dhalinyaro oo dhigaayay banaanbax nabadeed oo looga soo horjeeday Madaxweyne Farmaajo.

Midowga ayaa sheegay in Askarta dowladda ay fuliyaan hadalkii Madaxda dowladda ugu hanjabayeen Musharaxiinta ee uu ugu dambeeyay hadalkii kasoo yeeray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, laguna dhiira-gelinayay gacan ka hadal ka dhan ah Musharaxiinta.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayey Musharaxiinta ugu baaqdeen inay cudur ka bixiyaan falkii lagu rasaaseeyay gabdhihii banaanbaxa ka dhigaayay Muqdisho, isla markaana si deg deg ah sharciga loo horkeeno Ninkii falkaas geystay.

Ugu dambeyn Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa Ururada Bulshada rayidka ah, Guddiyada xuquul Insaanka ee Golle ee Baarlamaanka, Odayaasha dhaqanka iyo Beesha Caalamka ugu baaqay inay ka dhii-dhiyaan falkii shalay Warna kasoo saaraan.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Musharaxiinta Madaxweynaha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media