Musharaxiinta oo shaaciyay in dalka la badbaadinayo fariin Culusna diray

Midowga Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa War kasoo saaray Guddoonka ay doorteen guddiyada lagu muran yahay ee Doorashooyinka Qaranka, kuwaasi oo shalay Magaalada Muqdisho ku doortay Guddoon Cusub.

War-saxaafadeed kasoo baxay Musharaxiinta ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka ay iska dhagatirtay baaqyadii horey uga soo baxay Musharaxiinta ee ahaa in Guddiyada Doorashooyinka ay noqdaan kuwo la isla ogol yahay oo sharciga waafaqsan.

Musharaxiinta ayaa sheegay in ay horey u soo jeediyeen dhaliilo kala duwan oo ay ka qabaan Guddiyada doorashooyinka, iyagoo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu baaqay inuu joojiyo isku dayda lagu doonayo in lagu boobo Doorashada.

Sidoo kale Musharaxiinta ayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ku wargeliyay in Golaha uu qaadayo tallaabo kasta oo dalka lagu badbaadinayo inay ka dhacdo Doorasho ama uu dhaco boob iyo firaaq Dastuur.

Ugu dambeyn Golaha Musharaxiinta ayaa mar kale Madaxweyne Farmaajo uga digay inuu qaadayo natiijo kasta oo ka dhalata ku adkeynta tallaabooyinka uu ku diidan yahay inay dalka Soomaaliya uga dhacdo Doorasho xor ah oo lagu wada qanacsan yahay.

Hoos ka Akhriso Qoraalka ay soo saareen Musharaxiinta Madaxweynaha.